"Janqaadka Zion" - trailer movie ee af Somali

Video

April 13, 2015

In ka badan 4,000 sanno ka hor, Illahay waxaa uu kaga muuqday Nebi Ibraahim Ciraaq wuxuna uu ku yiri, " ka tag wadankaaga, qoyskaaga iyo reerka aabahaaga, oo tag dhulka aan ku tusi doono Aniga. Waxaan kaa dhigi doon qaran weyne. " Nebi Ibraahim waxaa uu adeecay Rabbigii, waxaana uu yimid dhulkii reer Kanaan oo ay ballanto ahayd halkaas uu kula noolaa wiilkiisa Isaaq iyo wiilka uu awoowaha uu ahaa ee Yacquub, kaas oo markii dambe loo bixiyay “Israa’iil.”

Israa’ili iyo 12kiisa wiil waxay aadeen Masar madaama ay ka dhacday abaar dhulka reer kanaan, waxay ugu bateen qaranka si xoog leh iyaga, dadka Masarida ah waxay dareemeen khatar xoog leh oo ah reer bani Israa’ilka ku dhex nool iyaga, sidaas darteed waa la adoonsaday iyaga waxana noolashooda laga dhigay mid culus oo qarar ah. 430 sanno kadib Masar, waxaa iyaga dhibka ka saaray Nabii Muuse, kadib waxaay uu tallabsadeen badda cas waxana aadeen dhulka Carabta, halkaas oo ay ka heleen sharciga Ilahay uuna ku soo dejiyay buurta siinaay.

Jiilkii ka tagay Masar ee reer bani Israa’il ee la socaday Nebi Muuse looma ogolaanin in ay galaaan dhulka madama ay yihiin kuwa an rumaysnan Alle.Waxaa na lagu qasbay in ay joogaan cidla 40 sanno ilaa jiil cusub uu ka soo baxo kuwaas oo aamisan Alle ayna la soo galaan dhulka ballanta ah yooshwa.

Ku dhawaad 400 oo sanno, 12ka qabiil ee reer bani Israa’il waxaa ka talin jiray garsoorayaal sida uu dhigayo sharciga Nebi Muuse. Marka ay rabaan inay sameystan Boqor sida dhamman wadamada oo kale,Illah waxa uu Boqorkooda u doortay Saul, waxuuna Boqor uu ahaa 40 sanno waxaana ku xigay Nebi Da’ud wuxuu xukumayay 40 sanno, iyo Nebi Sulaymaan oo ahaa wiil u dhalay Nebi Da’ud oo isagana xukumaayay 40 sanno. Inta uu Nebi Suleymaan tallinayay,boqortooyada reer Bani Israa’il waxaay ahayd mida ugu ammaanta badan,waxaana la dhisay macbuudkii ugu horeyay,laakiin maxa yeelay Nebi Sulaymaan markii uu da’ noqday waxa uu qalbigisa ka jeediyay Rabbigiisa,Illahay waxaa uu u sheegay in 10 ka qabiil uusan wiilkiisa u tallin doonin.

Geeridii Nebi Sulaymaan ka dib, Boqortooyadii reer bani Israa’il waxaa kala qaybiyay waqooyiga waxaa ka talin jirya 10 qabiil oo isuku xiga oo bqortooyoo shar ah, kuwaas oo aan ahayn faracii Nebi Da’ud iyo Nebi Sulaymaan. Boqortooyadan waqooyi waxay haysteen magaca reer bani Israa’il iyo ugu danbaynta Samaaria waxay u haysatay sida magaalada caasimada ah. Boqortooyada yare ee koonfurta waxay noqotay mid loo yaqaano casimada yahuuda, ee Qudis waxaan xukumayay faracii Nebi Da’ud. Laga bilaabo Boqorkii 2aad iyo 16naad, Boqortooyada koonfureed ee dadka ayaa noqotay mid loo yaqaano “Yuhuud” ka dib magacii Boqortooyada Yahuuda.

Maxaa yeelay boqortooyada waqooyiga ee reer bani Israa’il waa mid shar ah, waa la afgambiyay iyaga waxa ahaan maxaabis uu kaxasaty Assyriyaanka. Reer bani Israa’ilka kuwii haray waxaay noqdeen lahaystayal ku dhex jiraa qaramada kuwaas oo yiimiid dhulka aan la degiin .Waxay noqon lahaayn dadka loo yaqaano dadka Samaariya iyo 10ka qaabiil ee waqooyiga reer bani Israa’il kuwaas oo waligkood an noqon lahayn qaran.

Ugu dambayntii boqortooyada koonfureed ee Yahuuda waxaa maxaabis ahaan loogu kaxsatay Baabuluun si lagu ciqaabo in ay ugu adeegaan ilahayda kale, iyo in la burburiyo meelaha macbudka ah, 70 sanno ka dib, Yuhuuda waxay ku noqdeen Qudis, waxayna dib u dhiseyn macbudkoodii Qudis, iyo waxana sii socday xukunkii faracii Nebi Da’ud.

Waqtiga Nebi Ciise, qaranka Yuhuuda waxay noqotay mid loo yaqaano sida Yahuuda waxaana ka tallinayay boqortooydii Ruum. Nabi Ciise iyo xeertisa waxay ku wacdiyeen kitaabka Injiilka Yahuuda oo dhan iyaga oo raadinya idahii ka dhumay guriga ee reer abni Israa;il. 3 sanno iyo bar ka dib xafiiska.Yahuuda way diideen Nebi Ciise iyo diintiisa Masiixiga waxay ka dhadhiciyeen talliyhii roomaanka in lagu qodbo isku-tallaabta isaga. 3 maalin ka dib, waxaa uu ka soo sare kacay dhimashada iyo waxaa uu toosay isaga oo ku dhex nool xeertiisa ka hor inta usan qabsanin gacnata midig ee Aabaha jannada.

Wax yar ka hor inta Ciise isku-tallaabta lagu qodbin, waxaa uu sheegay in loo ciqaabo doono iyaga diidmada ay diideen isaga, Qudis waa la gubi doona, Macbudkana waa la burburin doona,Yahuuda oo dhan waxa maxabis ahaan kula qaadan doona aduunka oo dhan . Dhimashadiisa 70 saano ka dib wixii uu sheegay run ayay noqtay. Marka uu mustaqbalka qabsaday boqorkii rooma Qudis. Ku dhawaad 1800 sanno, Yahuuda waxay ku kala firdhoomi doonaan aduunka oo dhan.

1948dii ka dib,waxaan macquul ahayn ayaa dhacay.Waxa na la aasaasay gobolkii reer bani Israa’il, waxay Yahuuda hantiyeen mar kale dhulkii ballanata. Masiixiyeen badan ayaa waxay naadiyeen in ay tani tahay mucjiso iyo raxmad Illaaay ka timid. Laakiin tani waa naxariista dhab ah ee Rabbi, ama ma ahayeen ciidama mugdiga ah shaqo ay qabteen? Filmkaan ayaa jawaabta haayo.

 

 

 

mouseover